​Dibad-baxyo ka dhacay Kenya

Image

NAIROBI- Boliiska dalka Kenya ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmaysiisa iyo tuubooyinka biyaha xoggan tuura kadib dibad-baxyo ballaaran oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah dalkaasi gaar ahaan magalada Nairobi.

Dadka isu soo baxay ayaa dalbanaya in isbadal lagu sameeyo guddiga doorashooyinka oo ay ku dhaliileen inay la jiraan xisbiga talada haya ee Jubilee.

Waxay codsadeen in la eryo dhammaan xubnahan oo ay sheegeen inaysan dalka gaarsiin karin doorasho u dhacda qaab xor, xalaal iyo caddaalad isugu jirta, iyagoo ku qaylinayay erayo ay kamid ahaayeen “Is-beddel la’aan, doorasho ma dhici karto”.

Dibad-baxan, waxaa hogaaminayay xisbiga mucaaradka ah ee CORD, waxaana senator katirsan isbahaysigaasi oo lagu magacaabo James Orengo uu sheegay in doorasho caddaalad ah aysan dhicin karin inta uu jiro guddiga doorashada ee iminka.

“Waxaa naga go’an inaan xaqiijino in haddiiba doorasho la qabto ay noqoto mid waafaqsan dastuurka Kenya, oo dhigaya in doorashadu noqoto mid caddaalad ah oo madax banaan,” Ayuu yiri Orengo.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya, taasi oo ku aadan rabshadaha kasocda caasimadda iyo Galbeedka Kenya.

Sannadka 2017 bisha Augusto, ayaa lagu wadaa in dalkaasi ka dhacdo doorashooyinka madaxtinimo iyo midda baarlamaaniga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM