​Dibad-baxyo kasocda dalka Ethiopia

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia- Dibad-baxyo rabshada wata ayaa ka socda waddanka Ethiopia kaasoo iminka soo gaaray magaalada Caasumadda ah ee Addis Ababa. Waxaana wararka ka imaanaya ay sheegayaan in Booliis habaysan tageen goobaha la isugu yimi.

Mudaharaadyadan ayaa waxaa dhigaya Qowmiyadda ugu badalka dalkaasi ee Oromada kuwaasoo ka cabanaya xad-gudubyo ay sheegeen in dowladdu ku sameysay.

Waxaa jira dad badan oo xabsiga loo taxaabay iyo kuwo dhaawacmay kadib markii Booliisku gaareen.

Fagaaro ku yaalla magaalada Caasumadda ee Addis ayaa maanta waxaa isugu yimi boqolaad ruux oo kasoo horjeeda tallaabooyinka dowladdu ku dhaqaaqday ee ku aadan cabashadooda, waxayna sheegeen inaysan arrintaasi u dulqaadan doonin.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in mudaaharaadyo ka socdaan magaalooyinka kale ee gobolka Oromada, deegaankaas oo ah kan ugu ballaaran dalka Ethiopia.

Mudaaharaadkan waxaa ku baaqay dadka u ol'oleeya qawmiyadda Itoobiya ugu ballaaran ee Oromada.

Waxay sheegayaan in dawladdu dishay boqolaal dadkooda ah ayna xirtay kumanaan kale tan iyo markii ay mudaaharaadyadu bilawdeen bishii 11 ee sandkii hore.

Horay warbixin ay usoo saartay hay'adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch waxay sheegtay in xukuumadda dalkaasi si sharci darro ah u laysan dad dibad-baxyo silmi ah dhigayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM