Dibadbaxyo ka bilowday dalka Spain

Image

MADRID, Spain - Dibadbaxyo ballaaran ayaa ka socda guud ahaan dalka Spain, ayadoo ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay madax bannaanida uu doonayo gobolka Catalonia.

Tobanaan kun oo qof oo taageersan midnimada Spain ayaa isugu soo baxay caasimadda Madrid, halkaasi oo uu kula hadlay xildhibaan Pablo Casado oo ka tirsan xisbiga talada haya.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dadka mudaharaadka dhigayay inay isdejiyaan, asagoo intaa ku daray in Catalonia aanay weligeed noqon doonin dal madax bannaan.

Sidoo kale dad u ololeynaya in mas'uuliyiinta Madrid iyo Barcelona ay wadahadal ku dhameeyaan xiisadda taagan, ayaa isugu yimid guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Spain, waxaana halku dhig ay ka dhigteen "Spain way ka wanaagsan tahay hogaankeeda".

Dhanka kale, sharikadaha ganacsiga ayaa ka baxaya gobolka Catalonia, ayadoo Caixa Foundation oo maamusha mid ka mid ah bangiyada ugu weyn ay sheegtay inay xarunteeda u rarayso magaalada Palma de Mallorca.

Source: BBC

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM