Diblomaasi sare oo lagu dilay Pakistan
Diblomaasi sare oo u dhashay dalka Afghanistan ayaa lagu dilay magaalada Karachi, ee koonfurta Pakistan.
Booliska ayaa sheegay in Diblomaasi lagu dilay Qunsuliyadda Afghanistan ee magaalada Karachi, waxaana dilka u geestay Askari u dhashay dalka Pakistan.
Mas'uulka la dilay ayaa ahaa xoghayaha Qunsulka Afghanistan u fadhiya Karachi, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska.
Safiirka dowladda Afghanistan ee Pakistan Omar Zakhilwal ayaa xaqiijiyay dilka mas'uulkaas, waxuuna ku tilmaamay mid ka dhashay muran isaga iyo Askari dhexmaray.
Wuxuu intaas ku daray in la qabtay askari dilka geestay, oo kamid ahaa ciidamo u dhashay Pakistan, oo ilaaliya Qunsuliyadda Afghanistan.
Dowladda Pakistan kama aysan hadlin Dilka Diblomaasigaas.
GAROWEONLINE