Diblomaasiyiin u dhashay Britain oo laga soo eryay Ruushka

Image

MOSCOW - Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in dalkeeda ka ceyrinayso 23 diblomaasi oo u dhashay dalka Britain, xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka dhalatay weerar loo adeegsaday sun oo lagu qaaday nin ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka balse markii dambe iska dhiibay dalka UK.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegtay in diblomaasiyiinta ka hawlgala safaaradda Britain ee Moscow dalka laga musaafurin doono muddo toddobaad gudihiis ah.

Tallaabadan ayaa jawaab u ah go'aanka Britain ay dalkeeda uga eriday 23 diblomaasi oo u dhashay dalka Ruushka.

Diblomaasiyiinta Ruushka ayaa lagu amray in ay Britain ka baxaan kaddib murankii diblomaasiyadeed ee ka dhashay weerar lagu qaaday Sergei Skripal oo 66 isla markaana ka tirsanaan jiray mukhaabaraadka Ruushka iyo gabdhiisa Yulia Skripal oo 33 jir ah.

Weerarkaasi ayay Britain ku eedeysay dowladda Ruushka balse xukuumadda Moscow waa ay beenisay eedeymahaasi.

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la xirayo hay'adda Britain u qaabilsan dhaqanka iyo in aan la ogolaan doonin in Britain ay qunsuliyad ka furato magaalada St Petersburg.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM