​Diyaarad ka duushay Muqdishu oo shil ku gashay Kenya

Image

NAIROBI, Somalia- Diyaarad Rakaab oo ka tagtey Muqdishu ayaa xalay ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ee magaalada Nairobi.

Saraakiisha JKIA ayaa sheegay in diyaaradda ay ku dul-dhacday qeybta ay diyaaradaha ku dagaan, kadib markii qadkeeda ka weecatay cilad farsamo awgeed.

Mudo saacado ah ayaa hakad la geliyay Duulimaadyada iyo Howlaha Garoonka JKIA oo kamid ah Garoomada ugu waawayn qaarada Africa.

Diyaaradda dhacday ayaa waxaa saarnaa 4 Rakaab ah, oo la sheegay inay shilka ka badbaadeen.

Duulimaadyada ayaa loo weeciyay Mombassa iyo Garoomo kale oo ku yaallo dalka Kenya intii ay burburka diyaaradda laga saarayay madaarka.

Garoonka JKIA ayaa ah mid aad u mashquul badan, waxaana markii ay Diyaarada ku dhacday dadkii ku sugaa ay galeen Hakad mudo 8 sacaadood ah, maadama Diyaradaha kale lagu wargeliyay in shaqada Garoonka la joojiyay si KMG ah.

Diyaaradaha ka shaqeeya Somalia oo aan lahayn Tayo iyo Caymis wanaagsan ayaa inta badan shilal ku gala Garoomada dalalka ay ka howlgalaan, ee Africa iyo Asia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM