Diyaarad ku burburtay Iran iyo wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha

Image

TEHRAN - Diyaarad nooca rakaab ah oo ay la socdaan 66 qof ayaa ku burburtay saaka oo Axad ah bartamaha dalka Iran, iyadoo ay ku dhinteen dhamaan dadkii saarnaa, sida ay sheegtay Warbaahinta dalkaasi.

Diyaaraddan oo ay leedahay Shirkadda Aseman Airlines ayaa kasoo duushay Garoonka Mehrabad oo ku yaalla magaalada Tehran ee caasimadda Iran, iyadoo kusii jeeday degmada Yasuj ee Koonfurta dalkaasi.

Sarkaal katirsan Shirkadda Aseman Airlines ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay ku dhacday dhulka buuralayda ah ee "Dena Mount" oo ku dhaw magaalada Semirom, 500KM Koonfur uga beegan Tehran.

Wakaaladda Wararka dowladda Iran Fars News Agency ayaa sheegtay in Diyaaradda oo nooceedu ahaa ATR 72, ay lumisay xiriirkii waxyar kadib markii ay kasoo duushay saaka Garoonka magaalada Tehran.

Diyaarad Helicopter ah oo loo diray goobta ay ku dhacday Diyaaradda ayaa dib usoo noqotay sababo la xiriira cilmilada oo aad u xun, iyadoo taasi ay saameysay in kooxaha gurmadka ay goobta shilka tagaan.

Afhayeen u hadlay Hay'adaha Gurmadka Iran oo lagu magacaabo Mojtaba Khaledi ayaa xaqiijiyay in shaqaalaha gargaarka ay safar dhanka dhulka ah ku tageen meesha ay Diyaaradda ku dhacday, islamarkaana ay isku dayayaan inay helaan haraadiga diyaaradda.

Dowladda Iran ayaa sheegtay inay baarayso sababta ka dambaysa inay diyaaradda soo dhacdo, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in cilamada oo aad u xun ay sababtu tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM