​Diyaarad Ruushku leeyahay oo ku dhacday Badda Madow

Image

Wasaaradda Difaaca Ruushka, ayaa sheegtay inay badda ku dhacday diyaarad laga leeyahay dalkaas oo siday in kabadan  72 ruux oo u badnaa Kooxda bambayda ciidamada dalkaas.

Diyaaradda dhacday, oo ku sii jeeday waddanka Suuriya ayaa burburtay wax yar uun ka dib markii ay ka duushay magaalo xeebeedka Sochi ee dalkaasi.

Wasaaradda difaaca waxay sheegtay in diyaaradda oo nooceedu ahaa Tu-154 siday 64 qof oo ka mid ah kooxda ugu sarreysa Muustikada ee ciidammadda Ruushka ee lagu magacaabo Alexandrov iyo sagaal wariye.

Xukuumadda Moscow, ayaa tacsi u dirtay kooxda ku bur-burtay shilka diyaaradeed, waxayna sheegeen inay aad uga xunyihiin dhacdadaas.

Lama oga waxa shilkaasi keenay, balse diyaaradda ayaa kasoo duushay magaalada Moscow iyadoo shidaal kasoo qaadatay Sochi.

Shilka diyaaradaha ayaa muddooyinkii dambe soo badanayay dunida iyadoo bishan dhowr diyaaradood ku bur-bureen dalal kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM