​Donald oo Masiibo weyne ku tilmaamay Soomalida

Image

Musharraxa madaxtinimada Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa isu soo bax uu ku qabtay gobolka Minnesota ee Soomaalida ay ku badan yihin waxa uu taageerayaashiisa u sheegay in gobolkooda qaxootiga soo degay ee Soomaalida ah ay gaystaan dhibaatooyin xagjirnimo wata.

Wuxuu tusaale u soo qaatay ninkii tooreyda ku weeraray dad wax ka iibsanayay suuq wayn oo laga tukaamaysto.

Ninkaasi ayaa tooriyeeyay ugu yaraan sagaal ruux kahor inta aan la tooganin.

Trump ayaa sheegay in dadka Minnesota ay dhibatao ka soo gaartay martigelinta qaxootiga Soomaalida.

"Minnesota waxaad ku aragteen dhibaatooyinka ay keeneen qaxootiga siiba qaxootiga halkaan ku badan ee Soomaalida. Idinkoonan war u heyn ayay yimideen gobolkiina iyagoo waliba qaarkood ku biiraya kooxda IS. Waxayna xagjirnimada ku faafinaya dalkeena iyo dunida oo dhan", ayuu yiri Trump oo taageerayaashiisa kula hadlaaya gobolka Minnesota.

Wuxuu ku jiraa lugutiisii ugu dambeysay ee ololaha ka hor doorashada Talaadada, wuxuuna sheegay in haddii la doorto uu hubin doono in dadka deegaanada qaxootiga martigeliyo uu latashi la yeesho hor inta aysan qaxootiga qaabilin.

Donald Trump horay ayuu ugu eedeeyay Soomaalidu inay ku biiraan Daacish waxuuna sheegay inay tahay in isbadal lagu sameeyo waaxda socdaalka ee dalka Maraykanka.

Donald Trump waxuu si weyn u cambaareeyey siyaasada Barack Obama iyo xisbiga Dimuqraadiga.Waxuu dhaleeceeyey dadka soo galootiga ah ee Maraykanka taga.

Donald Trump ayaa mar kale sheegay in doorashada madaxtinimada Mareykanka loogu xaglinayo Hillary Clinton.

Hadalka Trump ayaa ku soo beegmaya kaddib markii waaxda dambi barista ee FBI-da ay sheeghtay in aysan hayn wax caddeyn ah oo muujinaya in Hillary ay gaysatay dambi marka la eego farriimo Email oo ay ka dirtay cinwaankeeda khaaska ah.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM