Donald Trump oo digniin u direy dalka Iran

Image

Washington ayaa cambaareysay Xarig loo gaystey dad si Nabad ah uga mudahraadayey miciishada oo kor u kacdey dalka Iran. 

Tehran - Dalka Mareykanka ayaa dalka Iran ka dalbadey iney Ixtiraamto dad mudaharadayo aan horey loo arkin ka sameeyey dalka Iran kuwasoo ka cabanaya  miciishada oo kor u kacdey.

Dad lagu qiyaasey 300 oo qof ayaa mudaharaad ku sameeyey magalaada Kermenshah ee ku taal Galbeedka dalka Iran, maalinamadii Jimacaha, sida ay sheegtey wakaalada Wararka Fars. Booliska dalkaas ayaa isticmaaley biyo iyo gaaska dadka ka ilmeysiiya si ay u kala eryaan dadkaas.

Mudaharadyadaan ayaa sidoo kale ka dilaacey magaalo madaxda dalkaas ee Tehran sida ay sheegeen baraha bulshada qaarkood.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter soo dhigey in shacabka dalka Iran mudaharaadyo ka sameeyeen dhibaatada dalkooda ka taagan kuwasoo ay ku kacayaan madaxda kooxda talada haysa oo si qaldan u isticmaalaya hantida dalkaas iska lahaa.

“ Dowlada Iran waa waa iney dhowrtaa xuquuqda dadka muwaadiniinta ah, iyo xuquuqda ay u leeyihiin iney muujiyaan dareenkooda. Caalamku waa daawanayaa. Tweet Trump ayaa kalmad kalmad ula mid ahaa hadal ay horey u jeedisay afhayeenka aqalka Cad Sarah Sanders. Taasoo markii hore digniin ku bixisay “ Aduunka waa idin daawanayaa.”

Hadalka Trump iyo Aqalka Cad ayaa dadka siyaasada Falanqeeya waxa ay ku tarjumeen mid siyaasadeysan balse aan dan badan ka laheyn shacabka dalka Iran.

Xiriirka dalka Iran iyo dowlada Mareykanka oo uu Trump hogaamiyo ayaan wanagsaneyn wayadaan dambe kadib markii uu khilaaf ka yimid sida labadaan u kala arkaan dagaalka dalka Syria, dagaalka Yemen iyo wadada loo marayo barnaamijka Nukleyeerka Tehran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM