​Donald Trump oo ku jees-jeesay Qaramada Midoobay

Image

Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa hadal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka, wuxuu ku dhaliilay Ururka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo sheegay inay tahay murugo socota.

Trump, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in QM ay tahay goob muhiim ah oo ujeedooyin badan loo sameeyay, balse hadda u muuqato goob ay isugu yimaadaan shakhsiyaad kooban oo ay ku lumiyaan waqtigooda.

Wuxuu sidoo kale ku sifeeyay inay tahay Naad koox gooni ah u shaqaysa isagoo shaqadooda ku tilmaamay arrin uu aad uga xunyahay.

"Qaramada Midoobe waxay aheyd meel muhiim ah laakin waxay isku bedeshay goob ay ku kulmaan shakhsiyaad oo ay wada sheekaysi iyo waqti lumis utagaan,”Ayuu yiri Trump.

Xogo uu Trump, uu siiyay wakaaladda wararka Mareykanka AP, ayuu ku sheegay in qaraarkii dhawaan ay QM ku joojisay mashruuca deegaamaysiga Yahuudda dhulka Falastiin uu ahaa mid sharci darro ah oo laga yaaq yaaqsado sida uu hadalka u dhigay.

Maraykanka, ayaa ka aamusay qaraarkaas ay ansixisay Qaramada Midoobay, waxaana tallaabadaas aad uga carooday Israel.

Xukuumadda Washington, ayaa horay u adeegsan jirtay codkeeda Diidmada Qayaxan dhamaan qaraarada ku aadan arrimaha Yuhuudda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM