​Dood dhexmartay Murashaxiinta Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka

Image

Labada nin ee u loollama xilka madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka ee kala ah Tim Kaine oo ka socda xisbiga dimoqraadiga iyo Mike Pence oo xisbiga jamhuuriga ka socda ayaa xalay isku wajahay dood kulul oo la xiriirta dhaqaalaha, soogalootiga iyo siyaasadda arrimaha dibedda.

Dooda oo ka dhacday jaamacada Longwood University ee gobolka Virginia duleedka magaaladan Washington ayaa aheyd midda  kaliyah ee loo qorsheeyey in ay yeeshaan musharaxiinta madaxweyne ku xigeenada ka hor inta aysan dhicin doorashooyinka madaxtinimada bisha soo socota ee November.

Tim Kaine oo ah senator laga soo doorto gobolka Virginia iyo Mike Pence oo ah gudoomiyaha gobolka Indiana ayaa aad ugu kala duwanaa dhamaan qodobadi ay ka doodeen oo u badnaa arrimaha gudaha, marka laga reebo qodobka ah guul ka gaaridda xiriirka booliska, bulshada iyo yareynta rabshadaha u dhaxeeya booliska iyo dadweynaha.

Wuxuu mid walba difaacay siyaasadda musharraxiinta ay la jiraan.

Mike Pence ayaa ku eedeeyay Hillary Clinton inay kordhin doonto canshuuraha laga qaado dadka maalqabeenka ah iyo inay ciidamada boolisku ku tilmaantay kuwo aan cadaalad aheyn, hase yeeshee Kaine ayaa ka soo dhex galeyey hadalkiisa isaga oo yiri arrinta booliska iyo bulshada waa arrin u baahan in laga doodo.

Kaine ayaa isna ku eedeeyey musharaxa xibiga jamhuuriga ee Donald Trump inuusan dooneyn inuu soo bandhigo lacagaha canshuur celinta, taasoo ay dad badan oo taageersan xisbiga dimoqraadiga aaminsanyihiin inuu Trump bixiyey canshuur yar.

Wuxuu sidoo kale cambaareeyay howlaha ganacsi ee Trump uu ku leeyahay dalka Ruushka.

Doodda labada murashax ayaa timid xilli dhawaan sidaan oo kale hadallo adag isugu jeediyeen mas'uuliyiinta labada Xisbi ee u loollamaya hogaanka Maraykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM