Dood kulul oo dhex martay Trump iyo Clinton

Image

Dood culus ayaa dhex martay musharrixiinta madaxtinnimda Mareykanka, Hillary Clinton iyo Donald Trump oo markii ugu horreysay yeeshay dood si toos ah looga baahinayay telefishinnada.

Doodan oo socotay muddo 90 daqiiqo ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayay dhaqaalaha, canshuurta, xiriirka u dhexeeya dadka madowga iyo caddaanka ah ee Mareykanka iyo arrimaha amniga. Trump ayaa Clinton ku eedeeyay in aysan la hayn kartida ay ku noqon karto madaxweyne, halka Clintonna ay Trump ku eedeysay in uusan ka war qabinba wacyiga jira oo uu ku nool yahay duni isaga u gaar ah islamarkaana uu diiday in uu shaaciyo canshuur celintiisa.

Clinton ayaa sidoo kale ku eedeysay Trump in uu amaan u soo jeediyay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin. 

"Aad ayaan ug naxay markii Donald Trump uu ka dalbaday Putin inuu u jabsado cinwaanadeyda. Arrintaasi ma ahan mid la aqbali kara. Donald uma qalmo inuu noqdo taliyaha ciidanka" ayay tiri Clinton. Donald Trump ayaa isagana ku eedeeyay Hillary Clinton inay khaladaad badan gashay markii ay heysay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, isagoo si gaar ah uga hadlay heshiiskii Nukliyeerka Iran oo ay Clinton qeyb ka qaadatay wadaxaajoodyadiisa. 

Heshiiskaasi ayuu ku tilmaamay mid masiiba u ah Mareykanka. 

Clinton waxay ku tilmaantay wax lala yaabo in Trump uu isbedalka cimilada ku tilmaamo been uu Shiinuhu abuuray.

Doodan waa tii ugu horreysay seddax dood oo dhexmeri doonta labada musharraxa ka hor inta codbixiyayaasha Maraykanka aysan codkooda dhiiban 8 bisha Nofeember. 

Waxaa la saadaalinayaa in dooddaasi ay daawanayeen in ka badan boqol milyan oo qof.

Xigasho: BBC

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka tagey Pakistan isaga oo aan la kulmin ergadii Mareykanka

“Wax walba annaga ayaa gacanta ku hayna. Way na soo wici karaan mar kasta oo ay doonaan,” ayuu raaciyay.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:35PM

Al-Sisi oo ka digay “isku dayo ula kac ah” oo Israel ku beddelayso khariidadda Bariga Dhexe

Waxa uu sidoo kale si cad u muujiyay diidmada adag ee Masar ee ku aaddan isku day kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiiniyiinta.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:07PM