Doorasho ka dhacaysa dalka Gambia

Image

Doorasho Baarlamaani ah ayaa kasocoto dalka Gambia, oo hadda kasoo kabanaya qalalaase ka dhashay doorashadii lagu murmay Bishii December, 2016.

Dad gaaraya 880,000 oo reer Gambia ah ayaa isku diiwaangeliyay inay codadkooda ka dhibtaan goobaha doorashada oo ka furmay saaka dalkaasi.

Shacabka Gambia oo gaaraya 1.8 Million ayaa waxay dooranayaan 53 kursi oo ka kooban Baarlamaanka, waxaana u tartamaya 238 murashaxiin ah.

Waa Doorashadii ugu horeysay oo Gambia ka dhacday tan iyo markii Madaxweynihii hore Yaxye Jaamac awooda ka degay Bishii January.

Adama Barrow oo ku guuleystay Doorashadii December, ayaa isku dayaya inuu Gambia kusoo celiyo Nidaamkii Dimuqaraadiyada iyo kala dambeynta.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka, wuxuu ku sheegay in shacabka Gambia gacantooda ku jirto mustaqbalka waddanka iyo masiirkooda intaba

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM