Dowladda Jabuuti oo Imaaraadka uga mahad-celisay taageerada

Image

ABU DHABI - Dowladda Jabuuti ayaa ka mahad-celisay taageeradda dhanka bani'aadaanimadda ee ay ka hesho dowladda Imaaraadka Carabta, waxayna amaantay sida mar walba u garab taagan tahay Shacabkeeda.

Wasiirka Arrimaha Bulshadda ee dowladda Jabuuti, Muna Cismaan Aadan ayaa sheegtay in mashaariicyadda horumarimaneed ee Imaaraadka ka fuliyo dalkeeda ay yihiin kuwa wax tar u leh shacabka dalkaasi.

"Imaaraadka wuxuu door wayn oo muhiim ah uu ka qaataa horumarinta Shacabka dhibaateysan ee Jabuuti, waana talaabo aanan la iloobi karin," ayay tiri Marwo Muna Cismaan Aadan.

Hadalkaan ayey ka sheegtay kulan ay la qaadatay Qunsulka Guud ee dowladda Imaaraadka u fadhiya Jabuuti, Abdullah bin Abboud Al Naqbi, kaasoo diiradda lagu saaray xaaalda dalka.

Kulanka dhex-maray Wasiirka iyp Qusulka Guud ee Safaraadda Imaraaadka ee Jabuuti waxaa diiradda lagu saaray arrimaha gobolka iyo caalamka oo ay kawada walaacsan yihiin, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka labada dal.

"Jabuuti waxay ku tiir-san tahay taageeradda bani'aadanimada oo ay ka hesho Imaaraadka oo mashaariic badan, si gaar ah shaqaaleysiinta dumarka, dhalinyaradda iyo dadka kale," ayay raacisay hadalkiisa Munda.

Dowladda Imaaraadka ayaa kamid ah dalalka dhowr oo Jabuuti siisa kaalmo dhinac kasta gaara ahaan bani'aadanimadda, waxaana goboladda dalka Jabuuti ka fuliyaan Hay'addo Imaaraadka laga leeyahay mashaariic badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM