​Duufaan kale oo ku dhufatay Mareykanka

Image

Duufaanta Irma ayaa xalay si xawli ah ku dhaaftay waqooyiga jaziiradda uu Mareykanku leeyahay ee Puerto Rico, iyada oo dhulka dhigtay korntada iyo tubooyinka biyaha qaada taasoo saameyneysa boqollaal kun oo ruux.

Duufaantan oo saacaddiiba jareysa 295km ayaa lagu sheegay tii ugu xooganeyd ee abid garaacda dalalka dhaca badda atlantiga.

Saraakiisha Puerto Rico ayaa sheegay in muddo ka badan lix bilood ay qaadan doonto in korontada Jaziirada ay si buuxda usoo laabato.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacadi ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah la geliyey Puerto Rico, taasoo u fasaxeysa Hey’adda Maareynta Masiibooyinka deg dega ee Mareykanka ay halkaasi ka bilowdo howlaha gurmadka.

Axada ayaa la filayaa in duufaanta Irma ay garaacdo koofurta Florida iyo hareeraha magaalada Miami.

Source: GO + VOA

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM