Duufaanta Irma oo gaartay dalka Kuba

Image

Duufaanta loo yaqaano Irma oo saamayn xooggan ka gaysatay Jasiiradda Caribbean-ka, ayaa lagusoo waramayaa inay gaartay waddanka Kuubba xilli wal wal xoog leh laga qabo inay kor u qaado saamaynta ay ku yeelatay goobaha ay martay.

Dad goob joogayaal ah ayaa ku waramay in Duufaanta oo wadata dabeylo culus iyo roob mahiigaan ah ay iminka fara kulul ku haysa dalkaas.

Waxaa heerkeeda lagu qiyaasay heerka 5-aad inay gaarsiisantahay iyadoo xilligan la joogo maashaynaysa deegaanka Camaguey Archipelago, ee xeebta waqooyi bari ee dalkaasi.

Xaalad adag ayaa lagusoo waramayaa inay ka jirto goobtaas iyadoo horay loo bixiyay digniino kala duwan.

Duufaanta ayaa la saadaalinayay inay caga dhigato goobo kale sida Jasiiradda Bahamas, waxaana la xaqiijiyay inay ka yara weecatay oo aysan waxyeello ka gaysan.

Gobolka Florida ee waddanka Maraykanka ayay horay usoo salfatay, waxaa 5.6 milyan oo qof lagu wargalinay inay isaga tagaan guryahooda maadaama ay halkaas ku soo wajahan tahay Duufaanta Irma.

Dadk digniinta la siiyay ayaa ka dhigan afar meelood oo meel dadka ku nool gobolkaasi.

Dadka ku nool koonfurta Florida iyo kuwa ku nool dhulka ka fog xeebaha ee gooryaha wanaagsani aysan ka dhisnayn ayaa loo sheegay inay aadaan goobaha ammaanka ah.

Mudadii duufaantani socontay, waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen 20 qof, halka dhismayaal iyo hanti badani ku bur-burtay.

Kooxaha saadaasha hawada ayaa saadaaliyay in duufaantu ay soo xoogaysan doonto ka hor inta aanay halkaasi ku dhufan wax ka yar 24 saacadood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM