Duufaanta Irma oo ku dhufatay Florida

Image

USA - Duufaanta Irma ayaa billowday in ay garaacdo xeebaha gobolka Florida ee dalkan Mareykanka, taasoo durbaba dhalisay in 75 kun oo ruux ay iska diiwaan geliyaan xarumaha dag daga ah ee ay dowladu diyaarisay.

Dabeylo iyo roobab xoog leh oo qeyb ka ah masiibada duufantan Irma ayaa lagu wadaa in ay fatahaado iyo bur bur ka geystaan waqooyiga Floria saacadaha hore ee Axada maanta ah, ka hor inta aysan usii gudbin xeebaha galbeed ee isla gobolkaan.

Gudoomiyaha gobolka Florida Rick Scott ayaa u shacabka u sheegay in ay isaga baxaan deegaanada lasii iclaamiyay in laga cararo ee ay duufaantu ku socoto, waxa kale oo uu sheegay in gobolka uu ku jiro xaalad dag dag ah.

Waa dufaantii labaad oo ka dhacda Mareykanka muddo 15 maalmood gudahood ah, laba todobaad ka hor ayey aheyd marki ay duufaanta Harvey garaacday gobolka Texas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM