Erdogan iyo Cabdalla oo ka Qeybgalaya Aaska Kalaay

Image

Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan iyo boqorka Jordan Boqor Cabdallah ayaa imanaya dalkan Maraykanka si ay uga qeybgalaan aaaska feeryahankii hore ee Maraykanka Maxamed Ali Kalaay oo toddobaadkii hore dhammaadkii geeriyooday.

Afhayeenka qoyska Maxamed Cali Kalaay oo hadalkaas ku dhawaaqay ayaa sheegay in aaska Maxamed uu ka dhici doono magaalada Louisville ee gobolka Kentucky maalinta jimcaha ah. Munaasabadda ayaa lagu qaban doono garoon ciyaaraha ah oo 22 kun oo kuraas ah leh, waxaana maydka Maxamed Cali la marsiin doonaa wadooyinka magaalada, iyadoo sidoo kale munaasabadda online-ka si toos ah looga daawan doono.

Maalinta Khamiista, waxaa jiri doonto munaasabad aas ah oo qoyska Maxamed Cali ay ka qeybgali donaan, iyadoo waliba la sameyn doono salaadda jinaasadda. 

Afhayeen u hadlay qoyska Maxamed Cali Kalaay ayaa sheegay in habka aaska uu u dhacayo uu hore u sii qorsheeyay Maxamed Cali Kalaay ka hor intii aanu u dhiman cudurka Laleelmada oo muddo badan hayay.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Maxamed Cali uu doonayay in dad badan oo kale diimo ah ay ka soo qeybgalaan aaskiisa. Dadka munaasabadda aaska haddallada ka jeedin doona waxaa ku jira madaxweynihoii hore ee Maraykanka Bill Clinton, oo muddo dheer ay saaxiibo ahaayeen Maxamed Cal Kalaay.

VOA

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM