​Erdogan oo ka qayb galay bannaanbax ka dhacay Ankara

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ANKARA, Turkey- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyyib Erdogan ayaa ka qayb galay bannaanbax ballaaran oo ka dhacay magaalada Ankara ee caasumadda waddankaasi.

Isu-soobaxan oo ay ka qayb galeen madaxda dalka Turkiga, hogaamiyaasha axsaabta mucaaradka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa loogasoo horjeeday inqilaabkii fashilmay ee dalkaasi ka dhacay bartamaha bishii hore.

Dadka ayaa ku labisnaa calanka Turkiga, halka kuwo kale soo xirteen maskaraatiyo loo ekeysiiyay muuqaalka Madaxweyne Erdogan.

Khudbad dheer ayuu Madaxweynaha waddankaasi u jeediyay bulshadii bannnaanbaxa kasoo qayb galay, wuxuuna ugu baaqay inay ilaashadaan midnimadooda islamarkaana meel ugasoo wada horjeesta kuwo uu ugu yeeray inay la dagaallamayaan dimuqraadiyadda Turkiga.

Wuxuu Recep khudbaddiisa ku sheegay in la cirib-tiri doono kuwa taageersan wadaadka baxsadka ah ee Fethullah Gulan, isagoo tilmaamay in dib loo soo celin doono sharciga qisaasta ee la mamnuucay sannadkii 1984-tii, waase haddii Barlamanku ogolaado.

Qorshahan, waxaa ka hor-yimi dalka Jarmalka oo sheegay inay wiiqi doonto rajada dalkaasi kaqabo inuu ku biiro Midowga Yurub.

Bannaanbaxan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee dalkaasi ka dhaca taariikhda, waxaana lagusoo beegay xilli xukuumadda Ankara xarig iyo shaqo ka cayrin ku wajahday dhammaan dadkii lagu tuhmay Afgambigii dhicisoomay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM