​Eritrea oo madaxbanaanideeda u dabaal dagtay

Image

Dowladda Eritrea, ayaa maanta u dabaal dagtay 25 sano guuradii kasoo wareegtay waqtigii ay Ethiopia ka heleen madaxbanaanidooda, kadib 30 sano oo ay ku jireen dagaal adag.

Kooxaha udooda xuquuqda aadanaha ayaa Eritrea ku dhalliila in aanay ka jirin dimuqaraadiyad iyo xuriyatul qowl, iyo weliba askareyn khasab ah oo badanaa qaata muddo sanada ah.

Sida ay muujinayso xogta Midowga Yurub, dadka ugu badan ee Yurub qaxa ku galay waxa ay ka tageen dalka Eritrea, iyagoo ahba muhaajiriinta ugu badan ee Afrika ka tagay.

Balse, xuskii maanta ayaa looga hadlay sidii Eritrea uga sii wadi lahayd hormarka ay haysato, iyadoo la is-xasuusiyay taariikhdii mugdi ahayd ee ay soo mareen iyo dhibaatadii ay kala kulmeen dowladdii awoodda badnay ee Ethiopia.

Majirto cid si madax banaan ugasoo warami karta dalkaasi, iyadoo ay adag tahay in la helo xaqiiqda ka jira, maadama xukuumadda Asmara ay cadaadis saarto warbaahinta madaxa bannaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM