Ethiopia iyo Kenya oo kawada hadlaya arrinta Al Shabaab

Image

Wafdi uu hogaaminayo Ra'isal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa lagu wadaa in uu booqdo magaalada Nairobi caasimadda Dalka Kenya, si uu ula kulmo madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta.

Labada masuul ayaa la sheegay iney ka wada xaajoon doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaallanka argagixisada gaar ahaan weerarada ururka Al Shabaab, xoojinta ganacsiga, ka faa’iideysiga tamarta iyo dhammaystirka mashaariicda ay wadaan labada dowladood.

Hoggaamiyeyaasha Kenya iyo Ethiopia ayaa sidoo kale ka wada hadlaya sidii loo xakamayn lahaa shaqaaqooyinka mararka qaarkood ka dhaca xadka ay wedaagaan labada dal , iyo falalka ka dhanka ah ammaanka.

Labada dalka ayaa kamid ah waddamada ay ciidamadoodu joogaan dalka Soomaaliya, waxaana halis xooggan ku haysa ururka Al Shabaab, haba u badnaado dhinaca Kenya, waxaana la filayaa in wadahadalkooda ay kasoo saaraan qorshe lagu soo afjaro weerarada kooxdaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM