Ethiopia iyo Kenya oo kawada hadlaya arrinta Al Shabaab

Image

Wafdi uu hogaaminayo Ra'isal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa lagu wadaa in uu booqdo magaalada Nairobi caasimadda Dalka Kenya, si uu ula kulmo madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta.

Labada masuul ayaa la sheegay iney ka wada xaajoon doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaallanka argagixisada gaar ahaan weerarada ururka Al Shabaab, xoojinta ganacsiga, ka faa’iideysiga tamarta iyo dhammaystirka mashaariicda ay wadaan labada dowladood.

Hoggaamiyeyaasha Kenya iyo Ethiopia ayaa sidoo kale ka wada hadlaya sidii loo xakamayn lahaa shaqaaqooyinka mararka qaarkood ka dhaca xadka ay wedaagaan labada dal , iyo falalka ka dhanka ah ammaanka.

Labada dalka ayaa kamid ah waddamada ay ciidamadoodu joogaan dalka Soomaaliya, waxaana halis xooggan ku haysa ururka Al Shabaab, haba u badnaado dhinaca Kenya, waxaana la filayaa in wadahadalkooda ay kasoo saaraan qorshe lagu soo afjaro weerarada kooxdaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheikh Hasina oo sheegtay inay dib ugu laaban doonto Bangladesh xili inkastoo lagu xukumay dil

Waxay sheegtay inay diyaar u tahay in la xiro ama xitaa la dilo marka ay dalka ku laabato.

  • Caalamka

    10-07-2026

  • 12:38PM

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM