​Faah faahin dooni ku dagtay meel 50KM u jirta xeebaha Liibiya

Image

Dooni ay saarnaayeen Socoto nolol raadis ah oo gaadhaysa illaa 100 qof ayaa ku degtey badda Libya shalay Sabtidii, waxaana warar hordhac ah oo ay wakaaladaha wararku daabacayaan ay sheegayaan in illaa haatan la badbaadiyey afar qof oo keliya oo ka mid ahaa dadkii doontaas saarnaa.

Illaa sideed meyd ah ayaa la helay, hase ahaatee waxaa hawlgalka baadigoobka caqabad ku noqday cimilada oo xun awgeed, wakaaladda wararka ee dalka Talyaaniga ANSA ayaa sheegtay in hawgalka baadhigoobka lagu bartilmaameedsanayey meel 50 KM u jirta xeebaha Liibiya.

Flavio Di Giacomo oo ah afhayeen u hadlay hay’ada muhaajiriinta caalamka ee IMO, ayaa sheegay in afar qof oo ka mid ahaa 110 qof oo doonta saarnaa in loo gurmaday.

Afhayeenka ayaa sheegay in xog dheeraada la heli doono marka afartaas qof ay gaadhaan xeebaha.

Maraakiibta ama doonyaha ugu badan ee daabula socotada nolosha cusub baadigoobaya ayaa ka baxa xeebaha dalka Liibiya iyaga oo ka faa’iidaysanaya sharci la’aanta ka jirta xeebaha dalkaas, taas oo kooxaha dadka tahriibiya ay ka hawlgalaan iyaga oo lacago ka qaadanaya socoto isaga kala timi dalal badan oo Afrika oo niyadda ku haya inay gaadhaan wadamada Yurub.

Sannadkii inna dhaafay ayaa tiradii ugu badnayd ay ka tallawday badda Mideterranianka, halkaas oo ay ka gudbeen illaa 181,000 oo qof oo ku jihaysan dalka Talyaaniga si ay uga sii gudbaan wadamada Yurub.

Socotada ugu badan ayaa ka timaadda dalka Galbeedka Afrika.

VOA

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM