Facebook oo lagu tilmaamey in uu dhibaato ku yahay dadka

Image

Roger McNamee oo kamid ah maalgaliyaashii hore ee barta bulshada Facebook  islamarkaana aad ugu dhowaa milkiilaha aaladaan ayaa asbuucyadii lasoo dhaafey saxaafada u sheegey in isticmaalkiisu noqdey mid waxyeelo u gaysta dadka halka uu faafiyo warar been abuur ah.

McNamee oo maqaalo ku qorey wargeysyada Washington Post iyo The Guardian asbuucii lasoo dhaafey, ayaa sheegey in Facebook uu iska indhatirayo ‘Atoorayaasha Xun’ oo aaladaan sida xun u isticmaala.

Ninkaan ayaa sheegey in Milkiilaha Bartaan uu horyimaado aqalka odayasha Mareykanka ‘Congress’ uuna aqbalo mas’uliyada ah in isticmalyasha aaladaan dhibaato loo gaystey.

“ Bartaan ayaa waxaa si xun u isticmaaley dad kala duwan, kuwasoo kamid yihiin taageerayaasha xagjirnimada iyo kuwa faafiya Wararka beenta ah iyadoo weli maamulayaasha Facebook leeyihiin mas’uuliyadeeda ma lehin, “ ayuu qorey. “ Isticmaalyaasha Facebook, waan u digey, mararka qaarkood ma aqbalaan taladeyda. Balse isticmaalkisu waxaa uu qarka u saaran yahay inuu noqdo Sun.”

McNamee ayaa asbuucaan ku qorey Washington Post in Facebook noqdey hoyga xadgudubka iyadoo isticmaalyaasha xun ku faafinayaan warar been abuur ah.

Dhinaca kale ninkaan ayaa sheegey in isticmaalka Facebook ay faa’ido badan ku qabaan dadka ku xayeysiista badeecadaha balse uu dhibaato ku yahay bulshada noocyadeeda kala duwan.

McNamee ayaa horey milkiilaha Facebook kala taliyey inuusan iibin Bartaan bulshada isagoo u sheegey in uu ahaan doono mid ka weyn kana muhiimsan Google mustaqbalka soo socda.

Laakiin arinkaan ayaa ahaa buu yiri qaladkii ugu waynaa aan galey inta aan ka shaqeynayey howlaha maalgalinta iyo ganacsiga.

Yaahoo, ayaa horey Zuckerberg ugu gorgoriyey inuu ku iibsado Facebook 1 billion oo dollar taasoo uu diidey kadib markii uu qaatey talada McNamee, talabadaan oo milkiilaha Bartaan ka dhigtey inuu talada ganacsigiisa ka qaato ninkaan.

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM