Facebook oo lagu tilmaamey in uu dhibaato ku yahay dadka

Image

Roger McNamee oo kamid ah maalgaliyaashii hore ee barta bulshada Facebook  islamarkaana aad ugu dhowaa milkiilaha aaladaan ayaa asbuucyadii lasoo dhaafey saxaafada u sheegey in isticmaalkiisu noqdey mid waxyeelo u gaysta dadka halka uu faafiyo warar been abuur ah.

McNamee oo maqaalo ku qorey wargeysyada Washington Post iyo The Guardian asbuucii lasoo dhaafey, ayaa sheegey in Facebook uu iska indhatirayo ‘Atoorayaasha Xun’ oo aaladaan sida xun u isticmaala.

Ninkaan ayaa sheegey in Milkiilaha Bartaan uu horyimaado aqalka odayasha Mareykanka ‘Congress’ uuna aqbalo mas’uliyada ah in isticmalyasha aaladaan dhibaato loo gaystey.

“ Bartaan ayaa waxaa si xun u isticmaaley dad kala duwan, kuwasoo kamid yihiin taageerayaasha xagjirnimada iyo kuwa faafiya Wararka beenta ah iyadoo weli maamulayaasha Facebook leeyihiin mas’uuliyadeeda ma lehin, “ ayuu qorey. “ Isticmaalyaasha Facebook, waan u digey, mararka qaarkood ma aqbalaan taladeyda. Balse isticmaalkisu waxaa uu qarka u saaran yahay inuu noqdo Sun.”

McNamee ayaa asbuucaan ku qorey Washington Post in Facebook noqdey hoyga xadgudubka iyadoo isticmaalyaasha xun ku faafinayaan warar been abuur ah.

Dhinaca kale ninkaan ayaa sheegey in isticmaalka Facebook ay faa’ido badan ku qabaan dadka ku xayeysiista badeecadaha balse uu dhibaato ku yahay bulshada noocyadeeda kala duwan.

McNamee ayaa horey milkiilaha Facebook kala taliyey inuusan iibin Bartaan bulshada isagoo u sheegey in uu ahaan doono mid ka weyn kana muhiimsan Google mustaqbalka soo socda.

Laakiin arinkaan ayaa ahaa buu yiri qaladkii ugu waynaa aan galey inta aan ka shaqeynayey howlaha maalgalinta iyo ganacsiga.

Yaahoo, ayaa horey Zuckerberg ugu gorgoriyey inuu ku iibsado Facebook 1 billion oo dollar taasoo uu diidey kadib markii uu qaatey talada McNamee, talabadaan oo milkiilaha Bartaan ka dhigtey inuu talada ganacsigiisa ka qaato ninkaan.

Related Articles

Khamenei oo Putin Ka Dalbaday Taageero Kadib Weerarka Maraykanku ku Qaaday Iran

Inkastoo Putin uu cambaareeyay duqeymaha Israa’iil, haddana weli kama hadlin weerarradii Mareykanka.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 12:34PM

Dagaalka Bariga Dhexe oo cirka isku shareeray markii Mareykanka ku biiray - Warbixn

Iran ayaa sheegtay in ay tirada dhimashada ee dalkaasi ka dhacday ay kor u dhaaftay 430 qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 3,500.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 05:49AM