Faragelinta shisheeye ee Soomaaliya oo walaac laga muujiyay

Image

ADDIS ABABA - Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka muujiyay faragelinta dalalka aan Afrikaanka ahayn ay ku hayaan arrimaha dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Midowga Afrika Muuse Faki Maxamed ayaa sheegay in fara-gelinta shisheeyaha khatar ku tahay dedaalada nabada loogu soo dabaalayo Soomaaliya, oo mudo ku dhaw 30 sano ay colaado ka socdaan.

Isagoo aan carabka ku dhufan dalalka ay yihiin kuwa ka baxsan Africa ee faragelinta ku haya Soomaaliya, ayuu Muuse Faki ugu baaqay dhamaan wadamada shisheeye inay iska ilaaliyaan wax walba oo dhaawacaya horumarka sida dhibka badan ay ku gaartey Soomaaliya.

Wuxuu dhanka kale u mahadceliyay AMISOM, oo uu ku amaaney doorkooda naf-hurnimada leh ee dalka Soomaaliya, halkaasi oo mudo 10 sano ah kula dagaalamayaan Al-Shabaab oo ah kooxda oo khatarta amni ku haysa gobolka Geeska Africa.

Sidoo kale, Safiirada Midogw Yurub u fadhiya dalalka Geeska Africa ayaa qabo walaac kan lamid ah, oo ah ka muujiyeen saameynta Khilaafka dalalka Khaliijka ee Soomaaliya, oo ah dal dowladda ka jirta ay yahay mid taag-darran.

Alexander Rondos, oo ah Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan gobolka ayaa sheegay in saameyn toos ah ay Xiisadda Khaliijka ku yeelatay Geeska Africa, halkaasi oo horey uga jireen dhibaatooyin kale oo amni la'aan iyo bini'aadanimo, gaar ahaan Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo yeeray labadaan masuul ayaa imaanayaa iyadoo Soomaaliya ay ku loolamayaan dalalka Khaliijka kadib khilaafkii soo kala dhex-galay June 5, 2017, iyadoo xukuumada Muqdisho lagu eedeyay inay dhinac la safatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM