France: Hogaamiyaha xisbiga Midigta fog oo is-casilaysa

Image

Waxaa dalka Faransiiska ka socda loollanka loogu jiro jagada Madaxweynaha oo hadda ay isugu soo hareen labada murashax oo kaliya kuwaasoo loollan kale gali doona laba todobaadka kadib.

Mid kamid ah murashaxiintaas ayaa ka tirsan xisbiga Midigta fogta ee National Front, waana haweenayda lagu magacaabo Marine Le Pen.

Le Pen ayaa waxa ay tartan adag la gali doontaa Emmanuel Macron iyaga oo isku wajihi doona wareegga labaad ee doorashda waddankaas.

Waraysi ay siisay talefishinka Farance 2 waxay ku sheegtay inay sheegtay inay ka dagayso xilka hogaamiyaha xisbiga Midigta fog si  aysan u noqon  mid dhinac u janjeerta.

"Sidaasi daraadeed, caawa laga bilaabo ma ahi madaxwaynaha xisbiga National Front, waxaana ahay musharaxa madaxwaynanimada Faransiiska," Ayay tiri Le Pen.

Xilka ka dagisteed ayay ku macnaysan mid ay ku doonayso midaynta dadka waddankaas oo ay xustay inay wajahayaan xaalad adag oo u baahan isku duubni.

Murashaxa Le Pen ayaa  go'aankeeda ku sifaysay mid ku qotomo fikirka ah in madaxweynahu uu isu keeno dhammaan dadka Faransiiska ah.

Balse dadka qaar ayaa aaminsan in arrintan tahay tallaabo ay hogaamiyahan u qaaday si KMG ah.

Ra'yi uruurinada ayaa muujinaya in Macron uu yahay mid ku guulaysan kara wareegga labaad ee doorashada balse Le Pen ayaa tiri "waan guulaysan karnaa,waana guulaysanaynaa"

Balse Murashaxiinta kala ah; Marine Le Pen iyo Emmanuel Macron ayaa la kala ogaan doonaa laba asbuuc kadib midka waddankaas hogaamin doona.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM