Gabar Saxafiyad ah oo dabagallka ku caan baxday oo dilay

Image

Booliiska dalka Bulgaria ayaa baaritaan ku haya dilka loo gaystay Viktoria Marinova oo ah gabadh saxafiyad ah oo samayn jirtay barnaamijyo dabagal ah.

Maydkeeda ayaa laga helay xarun lagu nasto oo ku taalla magaalada Ruse, goobtaas oo u dhaw wabiga River Danube Sabtidii.

Lama oga in dilka gabadhan 30 jirka ah uu la xiriiro shaqadii ay ka haystay telefishinka dalkaas ka hawlgala ee TVN, waxaana socda baaritaan ku saabsan nolosheedii khaaska ahaa iyo midkeedii shaqo.

Cambaarayn caalami ah ayaa durba ka dhalatay dilkeeda.

“Aad baan uga argagaxay dilka Bulgaria loogu gaystay Viktoria Marinova oo ah saxafiyad barnaamijyada dabogalka ah samayn jirtay,” ayuu Twitterka ku soo qoray Harlem Desir oo ah wakiilka xoriyadda warbaahinta u qaabilsan ururka iskaashiga ammaanka ee Yurub.

“Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa in si buuxda baaritaan loogu sameeyo dilkan”. Dadka masuulka ka ahna lala xisaabtamo. Ayuu intaas ku sii daray Harlem Desir

Marinova ayaa ah saxafigii saddexaad ee magac leh ee lagu dilo Midawga Yurub sannadkii hore iyo midkii afraad ee la dilo tan iyo billowgii 2017kii.

Related Articles

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM