Gabdho Somali ah oo lagu xukumay Maraykanka

Image

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukun xabsi ah ku riday Labo Gabdhood oo Somali ah, kadib markii lagu helay inay lacag usoo direen Kooxda Al shabaab.

Labadan Gabdhood oo lagu kala magacaabo Muno Cismaan Jaamac, oo 36 Jir ah iyoHinda Cismaan Dhiirane, oo 46 Jir ah ayaa lagu kala xukumay xabsi u dhaxeeya 11 ilaa 12 sano.

Muno oo degan magaalada Reston, ee gobolka Virginia ayaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah, halka Hinda oo degan Washington lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah.

Sida ay sheegeen Qareenada Maxkamada, Labadan hablood ayaa dhaqaalo uga aruuriyay Al shabaab, Barta Internet-ka iyagoo adeegsanayo “Group of Fifteen”  oo isagu keeneen Dumar kala joogo Somalia, Kenya, Egypt, Netherlands, Sweden, UK,  Canada Minneapolis  iyo Minnesota.

Maxkamada ayaa sheegtay in Muno Cismaan Jaamac iyo iyo Hinda Cismaan Dhiirane ay u abuureen Ololaha Lacagta loogu aruuriyay Al shabaab-ta ka howl gasha Buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Labada Gabdhood ayaa sidoo kale lacag kumanaan kun oo doolar ah u direy xarakada kooxdaas ee ku sugan  Kenya.

Hinda iyo Muno ayaa qirtay dembiyada lagu soo eedaayay, ee ah inay dhaqaalo ku taageereen Al shabaab.

GAROWEONLINE

.

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM