​Garoonka diyaaradaha Ataturk oo dib loo furay

Image

Wararka aan ka helayno dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbul ayaa sheegaya in dib loo furay abaaro 02:20am xilliga dalkaas garoonka diyaaradaha Ataturk oo fiidnimadii Talaadada qaraxyo lagu weeraray.

Ra'isal wasaaraha dalka Turkiga ayaa sheegay in dib loo bilaabay duulimaadyada garoonka isagoo xusay inay amniga la adkeeyay xaaladuna caadi kusoo noqotay.

“Garoonkeena waxaa dib loogu furay duulimaadyda baxaya iyo kuwa imanaya saacadu markay ahayd 2:20 AM xilliga Istanbul,” Waxaa sidaas yiri Ra’iisal wasaaraha Turkiga Binali Yildirim.

Dhinaca kale shirkadda duulimaadyada ee Turkish Airline, ayaa caddaysay inay bilowday duulimaadyadeedii daafaha caalamka ee ka bixi jiray magaalada Istanbul, balse dalalka Maraykanka iyo Iran ayaa hakad galiyay duulimaadyadii aadi jiray dalka Turkiga.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weeraradii xalay lala beegsaday garoonka diyaaradaha Ataturk, gaar ahaan meesha dadka baxaya yimaadaan oo ay baabuurta ku dejiyaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM