​Geel iyo Ido ku xaniban xadka Qadar iyo Sucuudiga [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Wixii ka dambeeyay markii dowladda Sucuudigu xiriirka u jartay dhigeeda Qadar, waxay samaysay dadaal kasta oo ku aadan sidii go’doomin loo galin lahaa dalkaas iyo dadkiisa intaba, taasoo markan usoo wareegtay dhinac xoolaha dhaqatada.

Xulafada Sacuudiga hogaaminayo oo horay xanibaad u saaray waddanka Qadar islamarkaana ka xirtay, Badda, Barriga iyo Biyaha, ayaa hadana wada tallaabada lagu eryayo duunyada ku sugan dhulka Sacuudiga.

Ku dhawaad 15,000 oo neef oo isugu jira, Geel iyo Edo ayaa ku xaniban xuduuda labada dal, kadib markii Dowladda Riyaad ay ku baaqday in 14 cisho dalkeeda looga saaro xoolaha kasoo jeeda Qadar iyo dadka dhaqda intaba.

Duunyadan iyo dadkii lahaa ayaa wajahay xaalad adag oo isugu jirta cunto iyo biyo la’aan maadama qaybtood ku go’doonsanyihiin saxaaraha u dhaxeeya labada dal.

Qaar kamid ah xoolahaas waxay ku le’deen jidka kahor intaysan ka tallaabin xadka.

Mid kamid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee kasoo jeeda Qadar ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in muddo Asbuuc ah uu xadka ku sugayay wiil uu dhalay oo 7 jir ah iyo Xayn Geel ah oo ku sugnaa dalka Sacuudiga.

“Alle ayaa mahad iska leh ila kulansiiyay Wiilkayga iyo Geelayga intaba, halkan waxaan ku sugnayn Todobaad anagoo sugayna xoolaheena, oo runtii wajahay dhibaato adag iyo cimilo xun maadama ay soo  jarayaan masaafo dheer,” sidaas waxaa Reuters u sheegay Ali Magareh.

Dhibaatadan ayaa Isniintii lagu daabacay wargays kasoo baxay Qadar, taasoo kaliftay inay xukuumadda Dooxa ay soo dirto gawaari ay ku raranyihiin Biyo iyo Caws kuwaasoo xoolaha lagu siinayay xadka labada waddan.

Sawirro lagasoo qaaday xaaladda xoolaha iyo dadka dhaqda ayaa muujinaya tacadiga adag  ee ka jira xadka labada waddan.

Wixii ka dambeeyay 05 June markii waddamada Khaliijka ay calaaqaadka u jareen Qadar, waxaa sii kordhaya cadaadiska waddankaas saaran iyadoo lagu eedeeyay inay maalgaliso Argagixisada.

Majirto ilaa hadda wax natiijo ah oo ka dhalatay cadaadiska la saaray Dooxa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM