​Golaha Amaanka oo ka hadlay Xaaladda Somalia

Image

Golaha amniga ee QM ayaa sheegay in dowladda cusub ee Somalia ee uu Madaxweynaha ka yahay Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo ay ka taageerayaan soo celinta nabadda iyo ammaanka.

War saxaafadeed kasoo baxay 15-ka dowladood ee golahaas ku jira, ayaa lagu sheegay in ay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Somalia, iyagoo dhanka kale soo dhaweeyay doorashadii Madaxweyne Farmaajo.

Golaha ammaanka ayaa u riyaaqay isbedellada ka dhacaya dalka Somalia, guulaha military ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa dowladda ay ka gaareen dagaalka lagula jiro Al shabaab.

Golaha waxa uu intaas ku daray in qaraxii ka dhacayo suuq ku yaalla Muqdishu uusan hor-istaagi karin Dowladda Somalia horumarrada ay samaynayso, ee ku aaddan dowlad-dhisidda iyo soo celinta amniga dalka.

Dowladaha Golaha Ammaanka ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxii Suuqa Gaawo-godeey, waxaana caafimaad deg deg ah u rajeeyeen kuwa ku dhaawacmay, oo carruur iyo haween kamid yihiin.

Qoraalka golaha,  ayaa dhanka kale loogu baaqay beesha caalamka inay garab istaagaan dalka Somalia, lagana caawiyo dhisamaha ciidan qaran oo hanan karo mas'uuliyadda nabad galyada dalkooda.

Hadalka Golaha Ammaanka ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii uu Madaxweyne Farmaajo sheegay in ciidamada qalabka sida ee Somalia ay qaadayaan maalmaha soo socdo howlgal ka dhan ah Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM