Guddoomiyihii olalaha Murashax Trump oo is-casilay

Image

Guddoomiyaha kooxda olalaha doorashada murashax Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu shaqadaasi ka tagay kadib muddo labo bilood ah oo uu hayay.

Paul Manafort, ma sheegin sababta uu xilkaasi u fasaxay balse muddooyinkii dambe wuxuu wajahayay eedo la xiriira inuu xiriir la leeyahay siyaasiin Ruush ah iyo sidoo kale madaxweynihii dalka Ukraine,Viktor Yanukovych.

Wuu beeniyay in uu wax khalad ah sameeyey, mana uusan sheegin sababta uu shaqada uga tagay.

War qoraal ah oo kasoo baxay murashax Trump ayaa lagu soo sheegay inuu aqbalay arrintaasi laakiin kama hadlin wax faah faahin intaasi dheer.

Manafort, ayaa muddo dadaal ugu jiray inuu murashaxan lumiyay taageerayaal badan uu ku qanciyo inuu hoos u dhigo hadallada aan ka fiirsashada lahayn ee uu ka imaanaya Trump.

Arrintan ayaa timi xilli murashax Jamhuurigu uu ku wajahanyahay gobolka Minnesota halkaasoo  ka samayn doono olole ku aadan doorashada madaxtinimo ee dhawaan dalkaasi ka dhici doonta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM