Guddoomiyihii olalaha Murashax Trump oo is-casilay

Image

Guddoomiyaha kooxda olalaha doorashada murashax Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu shaqadaasi ka tagay kadib muddo labo bilood ah oo uu hayay.

Paul Manafort, ma sheegin sababta uu xilkaasi u fasaxay balse muddooyinkii dambe wuxuu wajahayay eedo la xiriira inuu xiriir la leeyahay siyaasiin Ruush ah iyo sidoo kale madaxweynihii dalka Ukraine,Viktor Yanukovych.

Wuu beeniyay in uu wax khalad ah sameeyey, mana uusan sheegin sababta uu shaqada uga tagay.

War qoraal ah oo kasoo baxay murashax Trump ayaa lagu soo sheegay inuu aqbalay arrintaasi laakiin kama hadlin wax faah faahin intaasi dheer.

Manafort, ayaa muddo dadaal ugu jiray inuu murashaxan lumiyay taageerayaal badan uu ku qanciyo inuu hoos u dhigo hadallada aan ka fiirsashada lahayn ee uu ka imaanaya Trump.

Arrintan ayaa timi xilli murashax Jamhuurigu uu ku wajahanyahay gobolka Minnesota halkaasoo  ka samayn doono olole ku aadan doorashada madaxtinimo ee dhawaan dalkaasi ka dhici doonta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM