Hariiri oo aqbalay inuu u safro Faransiiska

Image

Ra’iisul wasaaraha Lebanon Saad Hariiri ayaa aqbalay yabooh ku saabsan inuu u safro dalka Faransiiska maalmaha soo socda, taasi oo ah dhacdadii ugu dambeysay ee ku hareereysan ku dhawaaqistiisa inuu xilka iska casilay horaantii bishan.

Hariri ayaa ku sugnaa dalka Sacuudiga tan iyo markii uu is-casilay, taasi oo dhalisay su’aalo ku saabsan in halkaasi lagu haysto, kuna hogaamisay madaxweynaha Lebanon Michel Aoun inuu sheego in Hariri la xabisay.

Aoun ayaa sheegay inuusan si rasmi ah u aqbali doonin is-casilaadda Hariri illaa uu kaga soo laabto dalka Lebanon.

Madaxweynaha ayaa sheegay maanta inuu rajeynayo in aqbalaadda Hariri ee ah inuu u safro France ay soo geba gebeyn doonto xasaradda. Waxa uu intaas ku daray in uu go’aansan doono tallabooyinka xiga ee dowladda Lebanon marka uu Hariri dalka kusoo laabto.

Saudi Arabia ayaa taageertay Hariri iyo xulufadiisa intii lagu guda jiray sanado ay Lebanon ka jireen dagaallo siyaasadeed, ayada oo Iran ay taageerto kooxda Hezbollah.

Markii uu is-casilay ayaa khudbad uu jeediyey oo laga soo baahiyey Sacuudiga wuxuu ku dhalleeceeyey Iran iyo Hezbollah inay kala geynayaan dalalka Carabta, wuxuuna sheegay inuu ka baqayo in la khaarijiyo. Hariri aabihiis, oo ahaa ra’iisul wasaare, Rafik Hariri ayaa waxaa 2005 lagu dilay qarax bam.

VOA

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM