​Hay'adda Amnesty oo eedaysay Ethiopia

Image

Warbixin ay soo saartay hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayay kaga hadashay tacadiyo ka dhacay dalka Ethiopia, waxayna sheegtay in xukuumadda Addis Ababa, ay laayeen dad badan oo kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada.

Amnesty, waxay sheegtay in si bareer ah loo dilay boqolaan kamid ah Qowmiyaddaasi iyadoo sidoo kale ciidamada ammaanku xabsiga dhigeen kuwo kale.

Eedaynta ayaa timi kadib markii ay isku dhaceen dowladda Ethiopia iyo dad kasoo jeeda Oromada, kuwaasi oo diiday inay bixiyaan dhul la sheegay inay ku fidayso caasimadda Addis Ababa.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay waxaa dhacay mudaharaadyo kala duwan kuwaasi oo lagu waxyeelleeyay dad shacab ah oo kasoo horjeestay qorshahaas iyagoo ka cowday inay ku waayayaan beero badan.

Dhinaca kale waxa  arrintaasi ka hadashay dowladda Ethiopia oo ku gacan sayrtay eedahaas iyadoo tilmaamtay inaysan jirin cid lagu tacadiyay dalka Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM