​Hishiis dhex-maray Maraykanka iyo Qadar

Image

DOXA, Qadar- Wasiirka Arrimaha Dibadda Qadar iyo dhigiisa Maraykanka ayaa hishiis kuwada gaaray magaalada Doxa kadib wadahadal muddo u socday oo ay diiradda ku saareen la dagaallanka Argagixisada.

Hishiiska labada dhinac ayaa dhigayay in Xukuumadda Doxa oo lagu eedaynayo inay maalgaliso Xagjiriinta, ka qayb qaadato dagaalka lagula jiro shakhsiyaadka iyo hay'adaha taageera Argagixisada Caalamka.

Xoghayaha arrimaha Dibadda Maraykana Rex Tillerson, ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay qaadatay Qadar, isagoo xusay inay rajo wanaagsan ka qabaan soo afmeeridda khilaafka waddamada Khaliijka.

Xulafada Sacuudigu horkacayo ayaa Qadar ku eedeeyay inay taageerto Argagixisada Caalamka iyadoo soo dhaweysa ururada iyo shakhsiyaadka dagaalka kawada bariga dhexe.

Balse Qadar ayaa goor sii horaysay arrintaas gaashaanka ku dhuftay, waxaana Wasiirka Arrimaha Dibada ee Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, oo hadlay hishiiska kadib Sucuudiga ugu baaqay inay saxiixdo hishiiska ay saxiixeen hadii ay ka dhabtay mowqifkooda ku aadan inay la dagaallamaan Argagixisada.

Sucuudiga,  ayaa soo dhaweeyay hishiiska Maraykanka iyo Qadar, isagoo ku tilmaamay tallaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday, asii aan ku filnayn xasaradda ka dhex taagan waddamada Khaliijka.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Rex Tillerson oo booqasho ku maraya dalalka Khaliijka ayaa ku wajahan dalka Sacuudiga.

Maraykanka ayaa u ololeynaya in lasoo afmeero Khilaafka keenay in calaaqaadka loo jaro Qadar islamarkaana go'doon la galiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM