​Hishiis laga gaaray kalluumaysiga sharci darrada ah

Image

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry, ayaa sheegay in la gaaray hishiis ku saabsan la dagaallanka kalluumaysiga sharci darradda, kaasoo uu tilmaamay inuu siinayo awood buuxda dalalka ku bahoobay hishiiskaasi.

Bayaan uu soo saaray Kerry ayuu ku sheegay in “Ayada oo iminka ay 30 dal iyo ururo ay qeyb ka yihiin, uu heshiiska si rasmi ah u dhaqan geli doono shanta bisha June ee sanadkan, taasi oo awood u siin doonta dalalka ku biiray heshiiska inay adeegsadaan xeeldaha lagama maarmaanka ah ee ay kaga hortagayaan iibka kalluunka sharci darrada ah”.

Wuxuu xusay in khyaraad ku kacaya mallaayiin doollar si sharci darro ah loogala baxayo biyaha waddamada caalamka qaarkood, taasi oo sheegay inay saamaysay kumanaan qoysas noloshoodu ku tiirsanayd Kalluumaysiga.

“Kalluumeysiga sharci darrada ah, waxa uu badaheena sanad kasta ka xadaa kheyraad u dhigma balaayin dollar, taasi oo dhaawac gaarsiineysa kuwa u hoggaansama sharciga, oo ay ku jiraan tobanaan kun oo ah dad Mareykan ah oo qoysaskooda ka taageera kalluumeysiga sharciga iyo mas’uuliyadda ku saleysan,” Ayuu yiri Mr. Kerry.

Kerry, ayaa u gacan haadiyay waddamada aan ku jirin hishiiskan, wuxuuna ugu baaqay inay ku soo biiraan si uu saameyn ballaaran u yeesho, isagoo carrabka ku dhuftay inuu go'aankan qayb ka yahay dhaqdhaqaaqa caalami ah oo lagu badbaadinayo badaha.

Dhinaca kale hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha (FAO), ayaa ku dhowaaqday in 29 dal iyo Midowga Yurub ay ku biireen heshiiskii la saxiixay 2009 ee looga hortagayo islamarkaana lagubaa bi’inayo kalluumeysiha sharci darrada ah ee IUU.

Arrintan ayaa hadii ay hirgasho, wuxuu si gaar ah u saamaynayaa dalka Somalia, oo waddanka ugu badan ee sida xowliga ah ugu badanayo kalluumaysiga sharci darrada ah, waxaana arrintaasi saamaysay boqolaal kamid ah dadka xeebaha Somalia ka jillaabta kuwaasi oo horay warbaahinta u sheegay inay soo celin karto burcad-badeedii la suuliyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM