​ICG oo ka hadashay weerarrada Shabaab ee Somalia

Image

Ururka dabagalka Xasaradaha Caalamiga ah ee Internationla Crisis Group (ICG), ayaa warbixin ay soo saareen waxay kaga hadleen xaalada amaan ee dalka Somalia iyo weerarada kooxda Al-Shabaab fuliyaan.

ICG aya warbixintooda ku tilmaamtay ina gabi ahaanba uu wiiqmay awoodii iyo saanaddii ciidan ee ay la haayeen kooxdaasi, balse ay xoogoodii ku soo ururtay weerarrada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan hotellada Muqdishu.

Waxay sheegeen in dhowr hoggaamiye oo miisaan culus lahaa laga dilay kooxda Al-Shabaab bilihii dhowaa, haddana taas aany wiiqin awoodda ay kooxdani u lahayd inay weeraro ka fuliso Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdishu.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxdan wali awood u leedahay weeraro ay ka fuliso dalka Soomaaliya.

Ururkan ayaa sidoo kale soo hadal qaaday sababta wali looga guulaysan la'yahay xarakada Shabaab, waxayn tilmaameen inaysan jiri wadashaqayn rasmi ah oo ka dhaxaysa dowladda dhinacyada dagalka kula jira xarakadaasi.

Waxay soo dhaweeyeen dadaalada lagu doonayo in kooxdaasi looga saaro dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM