Ilhaan Cumar oo ka guulaystay Phyllis Kahn doorashada aqalka Minneapolis

Image
Image

Minnesota- IlhaanCumar ayaa ku guuleystey tartan taariikhi ah oo ay la gashey xubno xisbiga Dimuqaraadiga u matali lahaa  aqalka Hoose ee Minneapolis taasoo macnaheeda tahay sanadkaan dabayaqadiisa qof iney noqoneyso qofkii ugu horeeyey ee Somali- American ah ee kursigaan fariista.

Gushaan ayaa waxaa macno badan u yeeley sidoo kale iney ka guuleysato Rep. Phyllis Kahn, oo ah qof muddo badan kursigaan wakiil uga aheyd xisbiga Dimuqaraadiga gobolkaas.

Marwo Cumar ayaa ku dhalatey wadanka Somaliya [ 33 sano jir} kasoo baxsatey dagaaladii sokeeye ee ka dhacey dalkaas  iyadoo xeryaha qaxootiga dalka Kenya muddo afar sano ah ku jirtey inta ay markii ugu dambeysay Imaan wadanka Mareykanka. 

Gushaan kadib Ilhaan Cumar oo dhinacyada ka taagan yihiin caruurteeda iyo Odeygeeda ayaa u mahad celisay tageerayaasheeda iyo xubno ka tirsan qoykeeda kuwasoo Iyadoo ilmeyneysa sheegtey in aysan la'aantood  gaari laheyn gushaan.

Dhinaca kale Ilhaan Cumar ayaa kaga guuleystey Maxamud Nuur 41% Iyo 30% tirinta codadka waxanaa uu kamid ahaan xubnahii sadexda Ahaa ee  u tartamayey kursigaan. Maxama Nuur ayaa ah  Somali American bartey cilmiga computer ka.

Dadka dagan Minnesota ayaa sanadkaan dabayaqadiisa dooran doona 201 Mudane ee fariisan doona labada aqal ee gobolkaas. 134 aqalka Hoose, 67 aqalka sare.

Tartankaan u dhexeeyey xubnahaan oo muddo socdey sida uu qorayo sharciga u dagsan gobolkaas ayaa Jaaliyada Somalida ee ku nool halkaas tageeradooda waxa ay u kala qaybsaneyd labada musharax ee dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Somaliya.

Warsidaha Garowe online ayaa tahniyad u diraya Ilhaan Cumar iyo tageerayaasheeda anagoo leh howsha ugu horeysa ee ku hortaal waxaa weeye mideynta Jaaliyada Somalida kuwasoo aad ku matali magaca Somali- American  marka la gaaro doorashada guud ee gobolkaas.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM