Ilhan Cumar oo ku guuleysatay Doorashadda Congress-ka Mareykanka

Image

Ilhan Cumar oo ah Gabar Soomaali-Ameerikaan ah, ayaa taariikh ka sameysay siyaasada dalkaasi oo iyadoo qaxooti ah tagtay 20 sano kahor, kadib markii ay guul kale oo wayn ay kasoo hoysay doorashada xiliga dhexe ee gudaha dalka Mareykanka.

Guusha ay gaartay Ilhan oo ah inay ku guuleystay kamid noqoshada Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ka dhigeysa haweeneydii ugu horeysay oo Soomaali ah oo heerkaasi ka gaarto siyaasadda Mareykanka.

Ilhan, oo 37 jir ah ayaa laga soo doortay gobolka Minnesota, halkaasi oo ay ku metaleyso Xisbiga Dimuqraadiga oo taageerayaal badan oo Soomaali u badan ku leh gobolkaasi, maadaama ay ku yar yihiin dad kale.

Omar ayaa bedelaysa Keith Ellison, oo isna ahaa ninkii ugu horeeyay oo Muslim ah, oo kamid noqda Congress-ka Mareykanka, kaasi oo hadda u tartamaya xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota.

Qoraal kooban oo ay Ilhan soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey Ilhan uga mahad-celisay codbixiyaasha, iyaga oo carabka ku dhufatay inay u tahay sharaf inay kamid noqoto Aqalka Congress-ka Mareykanka.

“Tani [guusha] waxaan ku sameynay si wadajir ah. Mahadsanidiin. Aniga sharaf ayey ii tahay inaan waqti dheer idin kugu metalo Congress-ka,” ayey Ilhan Cumar ku tiri qoraalkeeda ay barta bulshada ay soo dhigtay.

Ilhan ayaa noqoneysaa guuleystihii labaad oo Muslim ah, kaasi oo kamid noqdo Congress-ka, waxaana ku wehliya Rashida Tlaib, taasi oo ah Haweeney ka tirsan Xisbiga Duqraadiga ee wadanka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM