Ilhan Cumar oo ku guuleysatay Doorashadda Congress-ka Mareykanka

Image

Ilhan Cumar oo ah Gabar Soomaali-Ameerikaan ah, ayaa taariikh ka sameysay siyaasada dalkaasi oo iyadoo qaxooti ah tagtay 20 sano kahor, kadib markii ay guul kale oo wayn ay kasoo hoysay doorashada xiliga dhexe ee gudaha dalka Mareykanka.

Guusha ay gaartay Ilhan oo ah inay ku guuleystay kamid noqoshada Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ka dhigeysa haweeneydii ugu horeysay oo Soomaali ah oo heerkaasi ka gaarto siyaasadda Mareykanka.

Ilhan, oo 37 jir ah ayaa laga soo doortay gobolka Minnesota, halkaasi oo ay ku metaleyso Xisbiga Dimuqraadiga oo taageerayaal badan oo Soomaali u badan ku leh gobolkaasi, maadaama ay ku yar yihiin dad kale.

Omar ayaa bedelaysa Keith Ellison, oo isna ahaa ninkii ugu horeeyay oo Muslim ah, oo kamid noqda Congress-ka Mareykanka, kaasi oo hadda u tartamaya xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota.

Qoraal kooban oo ay Ilhan soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey Ilhan uga mahad-celisay codbixiyaasha, iyaga oo carabka ku dhufatay inay u tahay sharaf inay kamid noqoto Aqalka Congress-ka Mareykanka.

“Tani [guusha] waxaan ku sameynay si wadajir ah. Mahadsanidiin. Aniga sharaf ayey ii tahay inaan waqti dheer idin kugu metalo Congress-ka,” ayey Ilhan Cumar ku tiri qoraalkeeda ay barta bulshada ay soo dhigtay.

Ilhan ayaa noqoneysaa guuleystihii labaad oo Muslim ah, kaasi oo kamid noqdo Congress-ka, waxaana ku wehliya Rashida Tlaib, taasi oo ah Haweeney ka tirsan Xisbiga Duqraadiga ee wadanka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM