Ilhan Omar oo u jawaabtey Trump iyo hadalkeedii oo xiisad abuurey

Image

WASHINGTON - Ilhan Omar ayaa jawaab kulul ka bixisay hadal kasoo yaarey Madaxweyne Trump oo ugu baaqey inay iska-casisho xubinimada Congress-ka Mareykanka kadib markii ay wax ka sheegtay Yahuudda.

Ilhan oo gobolka Minnesota ku matasha aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ku tilmaantay Trump inuu yahay shaqsi noloshiisa oo dhan lagu yaqaano naceybka Yahuudda, Muslimiinta iyo dadka qaxootiga.

"Waan ku salaamay Trump...Waxaad ka taajirtay noloshooda oo dhan naceybka Yahuudda, Muslimiinta, dadkii loogu yimid Mareykanka, qaxootiga, dadka madowga ah iyo kuwa kale. Waxaan wax ka bartay dadka noloshooda uu saameeyay hadalkayga. Goorma ayaad adiguna wax ka baran doontaa," ayay Ilhan ku tiri qoraal ay Twitter-ka soo dhigtay, oo Trump ugu jawaabeysay.

Ilhan oo kamida labo gabdhood oo Muslim ah, oo kamid noqday markii ugu horeeyay taariikhda Congress-ka Mareykanka ayaa cambaareyn kala kulantay xisbiyadda Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga qoraal Axadii ay soo gelisay Twitter-ka kaasi oo ay ku sheegtay in taageeradda Congress-ka ee Israel ay ku timid lacago Xildhibaannada ka qaataan hay'addo u dhaq-dhaqaaqa Yuhuudda sida AIPAC.

Hadalka Ilhan ayaa lagu micneeyay "Yahuud naceyb", waxaana Madaxweyne Trump uu shalay ugu baaqey inay iska casisho Congress-ka ama gudiga arrimaha dibadda ee Baarlamanka.

Ilhan ayaa raali-gelin ka bixisay hadalkeeda kadib markii cadaadis kala kulantay hogaamiyeyaasha Dimuqraadiga, gaar ahaan Afhayeenka Aqalka Congress-ka, haweenayda lagu magacaabo Nancy Pelosi.

Hadalka Ilhan ayaa meel sare gaarey, oo ka gudbay calaamad casaan ah [Red Line], iyadoo aysi carro leh uga jawaabeen hogaamiyeyaasha Mareykanka, sida Trump, Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence iyo Afhayeenka Aqalka Hoose, Nancy pelosi.

"Qoraallada ay Ilhan soo dhigtay Twitter-ka waxay ahaayeen kuwa ceeb ah, raaligelinteeduna waa mid aan ku filneyn," ayuu yiri Mike Pence, Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.

Hadalka Xildhibaanad Ilhan Omar ayaa waxaa aad uga xanaaqay dadka ay ku weyntahay Yuhuudnimada. 

Mareykanka ayaa waxaa si indha la'aan ah uu u taageeraa Israel waxana Trump uu u aqoonsaday Magaaladda barakeysan ee Qudus bishii December ee 2017 inay tahay caasimadda Yahuudda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM