Imaaraadka oo Digniin amni kasoo saarey Xaalada Soomaaliya

Image

ABU DHABI - Dowladda Imaaraadka ayaa Soomaaliya ku dartay Liiska 13 dal oo Muwaadiniinteed uga digtay inay uu safraan sababo amni iyo khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda Federaalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa lagu sheegay in sababta ugu wayn ay tahay xaaladda amni darro ee ka jirta Soomaaliya, oo ay suurta-gal tahay in la dilo ama la afduubo Muwaadiniinta Imaaraadka.

Dadka u dhashay Imaaraadka ayaa lagula taliyay in hadii ay u safrayaan Soomaaliya ay feejignaan dheeraad ah sameeyaan, islamarkaana ay la socdaan waxa hareerahooda ka socda.

Sidoo kale, Wasaaradda waxay Muwaadiniinta Imaraadka uga digtay inay u safraan dalalka kala ah, Qadar, Lubanaan, Afghanistan, Pakistan, Ukraine, Nigeria, Koofurta Suudaan, Syria, Ciraaq, Brazil,Congo, Liibiya iyo Yemen.

Dalalkan ay Soomaaliya ku jirto ayaa waxay sheegtay dowladda Imaaraadka in xaalad amni uga mamnuucday dadkeeda inay tagaan.

Qadar iyo Lubnaan waxaa lagu sheegay digniinta in sababo siyaasadeed looga celiyay Muwaadiniinta Imaaraadka Carabta u dhashay.

Digniintan dhanka socdaalka ah ee kasoo baxday Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka waxay kusoo aadeysaa iyadoo xiriirka u dhaxeeya Muqdisho iyo Abu Dubia uu yahay mid aan fiicneyn.

Khilaafka labada dowladood ayaa meeshii ugu xumeyd gaarey markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay bishii April 8 ku qabatey Garoonka Muqdisho lacag loo wadey Ciidamadeeda, sidoo kalena Saraakiisha amniga Garoonka si xun ula dhaqmeen muwaadiniina Imaaraadka ee la socday Diyaaradda.

Tan iyo wixii intaas ka dambeeyay, cilaaqaadka Soomaaliya iyo Imaraaadka wuxuu ahaa mid sii xumaanayey, iyadoo Abu Dubia ay joojisay taageeradii iyo tababarkii dhanka ciidanka oo ay siin jirtay Soomaaliya.

Horaantii bishaan ayey ahayd markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ay sidaan oo kale soo saartay digniin dhanka sodcaalka ah, baqdin xoogan uga muujisay isku halaynta amniga Soomaaliya. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM