Imaaraadka oo ka hadlay shaqaalaheeda la weeraray

Image

DUBIA - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in weerarkii Argagaxiso ee Arbacadii lagu qaadey Shaqaalaha Hay'adeeda Bisha Cas uusan waxba u dhimaynin howlgalkeeda caawinta shacabka Somalia.

Wasaarada Arrimaha Dibadda UAE ayaa tilmaantay inay sii wadi doonaan gurmadka ay u fidinayaan dadka ay saamaysay abaarta ka jirta Somalia, kuwaasi oo u dhimayanaya gaajo, harraad iyo nafaqo darro.

"Argagaxisada nagama weecin doonaan inaan u gargaarno Shacabka Soomaaliyeed ee xilliga wajahaya abaarata, una baahan kaalmada bini'aadanimo," Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta.

Waxay ku celisay UAE balan-qaadkeeda ah inay caawiso dowladda iyo Shacabka Somalia.

Wax khasaaro ah kama soo gaarin Shaqaalaha Bisha Cas ee Imaaraadka qaraxii miino ee Arbacadii lagu qaadey Kolonyo ay la socdeen oo ka baxay Muqdishu, kuna jeeday Barakacayaasha duleedka Muqdishu.

Safiirka Somalia u fadhiya Imaaraadka Abdulkadir Al Hatimi ayaa ugu baaqay caalamka inay si deg deg ah gargaar bini'aadanimo u gaarsiiyaan Somalia, si loo badbaadiyo nolosha dadka ay ku dhufatay abaarta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM

Ugu yaraan 430 Rayid ah oo lagu dilay Duqeymaha Israel ee dalka Iran

Dhanka Israa’iil, mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 24 qof oo rayid ah lagu dilay weerarro gantaalo ah oo Iran ku qaaday gudaha Israa’iil.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 12:14PM