In ka badan 1,000 qof oo loo xiray rabshadaha Ethiopia

Image

ADDIS ABABA - Mas’uuliyiinta dalka Ethiopia ayaa xiray in ka badan 1,200 qof kadib markii bishan ay rabshado ka qarxeen gudaha iyo hareeraha magaalada caasimadda ah ee AddisAbaba, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliska, taasi oo saddex mar ka badan tirada markii hore la qiyaasayey.

Madaxa booliska caasimadda, Degfie Bedi ayaa sheegay in tirada dadka dhintay ay yihiin 28 qof, isaga oo wax ku daray lambarkii hore oo ahaa 23.

“Dadkaas badankood waxaa la garaacay ilaa ay ka dhintaan, toddoba ka mid ahna waxaa dilay ciidamada ammaanka” ayuu Degfie u sheegay weriyayaasha.

Rabshadaha oo dhacay 12-kii ilaa 17-kii September, oo ay ku jireen kuwa lala beegsaday dadka laga tirada badan yahay ee ku dhex nool qowmiyadda Oromada ee degan duleedka Addis-Ababa, ayaa dhaawac gaarsiiyey dadallada dib u heshiisiineed ee ra’iisul wasaaraha isbeddel doonka ah ee dalkaas Abiy Ahmed.

Rabshdaha ayaa billaabmay maalintii la qabanayey dibadbax lagu soo dhoweynayey hogaamiyayaasha dibad jooga ah ee jabhadda Oromada ee OLF, oo dagaal socda afartan sano ka waday dalkaas, ayaga oo doonaya maamul ay hesho qowmiyadda ugu badan dalkaas ee Oromada.

“1,204 qof ayaa xabsiga ku jira hase yeeshee waxaa hadda la dhaqan celinayaa waqti kooban” ayuu yiri madaxa booliiska Degfie, oo intaas ku daray in dadka la xiray ay ku jiraan kuwa lagu tuhmayo qabashada dibadbax sharci-darro ah, burcadnimo iyo dambiyo kale.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM