​In kabadan 155 qof oo lagu dilay duqayn ka dhacday Yemen

Image

Duqayn xoog leh oo ka dhacday waddanka Yemen, ayaa waxaa ku geeriyooday in kabadan 150 ruux, halka dhaawaco kor u dhaafayo 500 oo qof.

Weerarkan oo lagu eedaynayo inay fuliyeen Ibahaysiga uu hogaaminayo Sucuudiga, waxaana lala eegtay dad ka qayb galay Tacsi oo ku sugnaa caasumadda Waddankaasi ee Sanca.

Dadka waxay u tacsiyeynayeen wasiir ka mid ah dowladda Xuutiyiinta oo aabihii uu dhintay.

Iskuduwaha arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobeey ee dalka Yaman, Jamie McGoldrick, waxa uu sheegay in shaqaalaha arrimaha gargaarka ay ka caroodeen duqeynta.

Dowladda Mareykanka ayaa duqeynta kaddib sheegtay inay dib u eegeyso ama yareyneyso taageerada ay siiso isbeheysiga Sucuudiga.

Wakaaladda wararka ee Saba, oo xiriir la leh kooxda Xuuthiyiinta ee raacsan Iran, ayaa ku mas'uuliyadda weerarkan dusha uga tuurtay xulafada Boqortooyada Sacuud Carabiya.

Balse, arrintaasi waxaa beeniyay Isbahaysiga uu horboodayo Sacuudigu, waxayna sheegeen in duqayntaas aysan gaysan diyaaradahooda.

Tirada dhimashada ayaa waxa ay ahayd tii ugu badneed tan iyo markii uu isbeheysiga Sucuudiga uu hogaaminayo bilaabay howlgallada military ee lagu wiiqayay awoodda Xuutiyiinta islamarkaana lagu doonayay in quwada gacanta loo galiyo Madaxweyne Abdul-Rabbu Mansour Hadi ka dib markii laga saaray caasimada Sanca bishii March 2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM