​In kabadan 43 qof oo ku dhintay Dab ka kacay Portugal

Image
Image

Dad gaaraya afartan iyo seddex qof ayaa ku dhintay, konton kalena waa ay dhaawacmen ka dib markii uu dab ka kacay keyn ku taala magaalada Pedrógão Grande ee bartamaha dalka Burtuqiiska.

Inta badan dadka ay waxyeelada ka soo gaadhay dabkani ayaa dhintay iyagoo ku dhex jiray baabuurtooda, waxaana gudaha baabuurtii ay wateen ugu galay uuro iyo holaca dabka.

Meydadka seddex qof oo kale ayaa laga helay meelo u dhaw xabaal ku taala magaaladaasi, kuwaas oo la rumesanyahay in ay u dhinteen dhaawac ka soo gaaray dabka.

Boqolaal katirsan waaxda dab damiska ee dalka Burtuqiiska ayaa la tacaalaya xaalada, kuwaa oo isku dayaya inay baqtiyaan dabka, balse dhinaca kale duqa magaalada uu dabka ka kacay oo la yirahdo Mr Valdemar Alvesqof ayaa sheegay in dad demiyaasha aysan ku filneyn wax ka qabashada baaxada baaxada dabka ka kacay keynta.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM