​India oo laga mamnuucay Furriinka Saddexda Dalaaq

Image

Maxkamadda sare ee dalka India ayaa maanta go’aamisay in furiinka halka mar ee saddexda dalaaq ee muslimiinta uu yahay mid “aan dastuuri iyo islaami ahayn.”

Guddi garsooreyaal ah oo ka kooban shan xaakim oo kala matalaya shanta diin ee ugu weyn dalka India ee kala ah Hindu, Kirishtan, Islam, Sikh iyo Zoroastrian, ayaa aqlabiyad ah 3-2 ku gaaray go’aankan.

Xukunka ayaa lagu sheegay in furiinka saddexda dalaaq ee mar qura “uusan shaqo ku lahayn dhaqan diimeed, uuna xadgudub ku yahay dastuurka”, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay sheegeen “inuu ragga u ogolaanayo inay sida ay doonaan uga baxaan guurka marka ay doonaan”.

Maxkamadda ayaa dowladda ka codsatay inay diyaariso sharci cusub oo guurka ku saabsan, kaasi oo dhaqanka furiinka saddexda dalaaq ee mar qura ka dhigi doonaa sharci darro, inta ka horeysana hakad lasii geliyo.

Qaar badan oo ka mid ah haweenka dalka India ee muslimiinta ah ayaa u dabaal degay xukunkan.

Culimada muslimiinta ee dalka India ayaa aad uga soo horjeestay xukunka, waxayna sheegeen in inkasta oo laga yaabo inaan la jecleysan dhaqankan, haddana uu ku qoran yahay qur’aanka, islamarkaana maxkamadaha aysan faro-gelin karin arrimo diimeed.

Culimadu waxay sheegeen in ololaha lagu joojinayo furiinka saddexda dalaaq uu yahay mid siyaasadeed oo uu ka dambeeyo xisbiga Hindu-ga ee Bharatiya Janata Party oo doonaya inuu aqoonsi Islaami ah meesha ka saaro.

Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi ayaa taageeray in la joojiyo dhaqankan.

GO + VOA

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka tagey Pakistan isaga oo aan la kulmin ergadii Mareykanka

“Wax walba annaga ayaa gacanta ku hayna. Way na soo wici karaan mar kasta oo ay doonaan,” ayuu raaciyay.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:35PM

Al-Sisi oo ka digay “isku dayo ula kac ah” oo Israel ku beddelayso khariidadda Bariga Dhexe

Waxa uu sidoo kale si cad u muujiyay diidmada adag ee Masar ee ku aaddan isku day kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiiniyiinta.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:07PM