​Indonesian-kii iska xoreeyay Curyaanimo

Image

Achmad Zulkarnain oo u dhashay waddanka Indonesia, ayaa soo jiitay indhaha Caalamka kadib markii uu hormar ka gaaray nolosha isagoo waliba kamid ah dadka aan Libaad koodu dhammaystirnayn.

Achmad oo kasoo jeeda gobolka Banyuwangi ee dalkaas, wuxuu dhashay isagoo aan lahayn Gacmo iyo Lugo, wuxuuna aad uga duwanyahay dadka kale ee caadiga ah muuqaal ahaan, waa nin gaaban hadana sameeyay waxyaabo badan oo aysan awoodin inay qabtaan dad badan oo laxaad leh.

Ninkan oo saaxiibadiis ugu yeeraan Dzoel, wuxuu sheegay inuu isu arkayay qof lamid ah bulshada wixii ka horeeyay 8 sano jirkiisii, markaas oo carruurta iskuulka la dhiganaysay ay bilaabeen inay yasaan oo ay ku naaneysaan Curyaan.

"Muraayad weyn ayaan isku fiiriyay. Waqtigaas waxay ahayd markii aan yaqiinsaday inaan ka duwanahay qof kasta oo dunidan ku nool." Sidaas waxaa yiri Dzoel oo la hadlayay Warbaahinta Al Jazeera.

Tallaabadaas waxay keentay inuu niyad Jabo Dzoel oo uu ka haro Iskuulka, balse dedaal iyo niyad dhis badan oo ay u sameeyeen asxaabtiisa iyo Qoyskiisa wuxuu dib ugu laabtay waxbarashadiisa ilaa uu ka baxay dugsiga sare isagoo markii dambe samaysto xarun laga isticmaalo Internet-ka.

"Halkan waxaa laga helayay adeegyo la xariira Sawir qaadista. Waxaa go'aansaday inaan amaah kusoo iibsado Camerooyin, Waan bartay, waan bartay, waan bartay ilaa aan ka noqday Sawir Qaade," Ayuu yiri Achmad Zulkarnain.

Rajadii Achmad, waxay isu badashay mid Saraysa wuxuuna noqday sawir qaade caalami ah kaasoo la xiiseeyo gacantiisa, wuxuu helay taageerayaal badan oo uu ku leeyahay bartiisa Instagram-ka, dadka ku xiran waxay daneeyaa sawirrada uu ka qaado meelaha quruxda badan iyo fashion-ka, ilaa uu markii dambe ka helay macaamiil ku taxan oo uga yeerta xafladaha Aroosyada iyo kuwa iskuulaadka.

Ninkan wuxuu hadda si mutadawacnimo ah uga shaqeeya urur Dhalinyaro, isagoo dadka bara Camerada iyo qaabka loogu shaqaysto xirfadda Photoshop-ka.

Dzoel maanta waa 24 jir cid uu ku tiirsanyahay ma jiro, wuxuuna noloshiisa u diyaariyay isku filnaansho, isagoo ku socday gaari yar oo u qaabaystay inuu ku shaqaysto kuna soo qabsado danihiisa. Saaxiibadii way caawiyaan gaar ahaan waxyaabaha uusan qabsan karin.

"Anigu ma ahi Curyaan, laakiin waxaan ahay shakhsi si fudud u abuurtay wax ka duwan sida aan ahay. Waxaan hayaa tubtii aan ku qabsan lahaa danahayga." Ayuu yiri wiilkan.

Abdirizak Hayir

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM