​Iran Diyaarado Raashin Sida u Dirtay Qadar

Image

Dolwadda Iran ayaa sheegtay in ay dalka Qatar u dirtay shan diyaradood oo sida cuno iyo Khudaar kala duwan, xilli dalka Qatar uu la daalaadhacayso cuni yari soo food saartay kadib go’doomintii wadamada Khaliijka ay ku soo rogeen.

Afhayeen u hadlay shirkada diyaaradaha ee Iran Air, oo magacaabo Shahrokh Noushabadi, ayaa wakaalada wararka ee dalka France ee AFP  u sheegay in Axaddan maanta ah ay Qatar u direen diyaarado sida cuno iyo Khudaar noocyo badan leh.

“Ilaa iyo hadda waxaan dirtay shan diyaaradood oo sida cuno iyo Khudaar kuwaas oo gaaraya  90 tan , iyadoo sidoo kale la direyo mid kale,” ayuu yiri Noushabadi.

Afhayeenka ayaa sidoo kale, sheegay in daabulidda raashiinka ay geenayaan dalka Qatar.

Dowladda Qatar, ayaa 40% cunada laga isticmaalo dalkeeda waxaa ay ka heli jirtay boqortooyada Sacuudiga oo xadkeeda xirtay.

Wakaalada wararka ee AFP oo soo xiganaysa wakaaladda ee Tasnim ayaa soo warisay in sadex Markab oo wada 350 tan oo raashiin ah ay aadi doonaan dalka Qatar.

Dowaldda Iran ayaa sidoo kale, Qatar  u furtay hawadeeda si ay diyaaradaha Qatar u istcimaalaan maadaama dalalka jaarka lahaa ay dhan kasta ka xirteen xuduudahooda; sida badda, dhulka iyo cirka.

Dhowaan, ayaa dowladaha Khaliijka; sida Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo kuwo kale waxaa ay xiriirka u jareen dalka Qatar ayagoo ku eedeeyay in ay taageerto kooxaha argagaxisada, hase ahaatee Qatar gaashaanka ayay u daruurtay eedeyntaas.

Dadka ka faalooda siyasadda bariga dhexe, ayaa aaminsan in xiriirka ay Qatar la yeelatay dalka Iran oo kamid ahaa waxyaabihii keeney khilaaftan, iyadoo raashiinka Iran ay Qatar geysay uusan aheyn mid qaboojinaya xiisada taagan.

Qatar ayaa dhankeeda sheegtay in aysan ka aar goosan doonin dalalka xiriirka u jaray isla markaana muwaadiniinteeda u qabtay 14 cisho gudahood isga baxaan wadamadooda.

Ku dhowaad 11,000 oo ruux ayaa ku nool wadanka Qatar kuwaas oo ka soo kala jeeda dalalka Sacuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM