​Iraq : Qaraxyo ka dhacay magaalada Fallujah

Image

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay qaraxyo xooggan oo ka dhacay magaalada Fallujah oo 69KM dhanka galbeed uga beegan Baghdad oo caasumad u ah dalka Iraq.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iraq ayaa sheegtay in Qaraxyo Ismiidaamin ah lala eegtay baro-koontarool oo ku yaalla magaalada Fallujah, oo Bishi June laga saarey Daacish.

Sarkaal katirsan Booliska iyo qof shacab ahaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerarada magaalada Fallujah, kuwaasi oo Mas'uuliyadoodu ay sheegteen Dagaalyanada Daacish.

Bishii lasoo dhaafay, Daacish ayaa Labo Qarax oo noocan ah waxay ka fulisay meel ku dhaw Fallujah, waxaana ay ku dishay ugu yaraan 16 qof, oo askar ay kamid ahaayeen.

Ciidamada Dowladda Iraq oo kaashanaysa Maleeshiyaad Shiico iyo militariga Mareykanka isugu jira, ayaa Howlgal kawada magaalada Mosul, si ay uga saaraan Daacish.

Mosul oo ah mid labaad ee ugu wayn dalka Iraq ayaa waxaa maamulaya Daacish tan iyo 2014, waxaana dowladda Iraq ay doonaysaa hada inay dib u hanato magaaladaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM