​ISIS oo sheegatay weerarka Las Vegan oo lagu dilay 58 qof

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Nin hubaysan ayaa rasaas ku furay Bandhig Faneed kasocday magaalada Las Vegas ee waddanka Maraykanka, waxaana ku dhintay in kabadan 58 ruux halka dhaawacu gaarayo 406 qof sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska magaaladaas.

Ninkan ayaa oo goor dambe la shaaciyay magaciisa laguna sheegay Stephen Paddock ayaa mas'uul ka ahaa khasaaraha weerarkaas.

Stephen Paddock  ayaa is dilay ka hor inta aysan tagin Booliisku goobtii uu rasaasta kasoo furay oo ku taallay Qaybta 32aad dabaq u dhow hotelka lagu magacaabo Mandalay oo ah meesha xafladdu ka socotay.

Stephen, waa 64 jir ka dambeeyay toogashada Las Vegas

Booliiska oo ka hadlayay weerarkan ayaa tilmaamay inay baarayaan dhacadaas.

Dadka dhaawaca ah ayaa loo daad gureeyay goobaha caafimaadka, waxaana sawirro laga soo qaaday madxafkii bandhigu ka socday muujinayaa bur-bur iyo dad ku dul barooranaya ehelkoodii ku dhintay dhacadaas.

Ururka ISIS ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan iyagoo tilmaamay in Stephen oo 64 jir ahaa uu kamid ahaa Ciidamadooda islamarkaana kooxdan kusoo biiray bilo ka hor isagoo noqday Islaam.

Warbaahinta kooxdan ee lagu magacaabo Amaq, ayaa baahisay, "Qofka weeraray Las Vegas wuxuu kamid ahaa ciidamada kooxda Dowladda Islaamiga ah."

 Balse Booliiska ayaa rumaysan la'a arrintaas waxayna sheegeen inay baarayaan arrintan.

Sababta uu u toogtay dadka shacabka ah ayay ku sheegeen inuu dareemay cidlo islamarkaana buuq isku furay.

Booliisku waxay intaas ku dareen in ninkan aysan u hayn kiisas hore oo cadaynaya inuu ahaa Dambiile iyo calaaqaadkiisa kooxaha Argagixisada.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa cambaareeyay weerarkan isagoo tacsi u diray ehelka iyo shakhsiyaadka ku waxyeelloobay dhacadadaas.

Booliiska ayaa weerarkan ka falceliyay 10pm waqtiga Maraykanka ee dhibku dhacay, waxaan sawirro iyo muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada iyo website-yadu muujiyeen dadka caraya, kuwo dhulka jiifa oo dhiig daboolay, dad waaweyn iyo kuw yar yar oo dadaal ugu jira inay bad-baadiyaan noloshooda.

Maaha markii ugu horaysay weerar noocaan ah lagu dilo dad tiro badan oo ku sugan hotel lagu caweeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM